Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacey Deegaano Ka Tirsan Magaalada Marka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa maalmihii lasoo dhaafey soo ritey dad badan oo ku dhaqan magaalada Marka iyo deegaano hoos yimaada oo ay ku dhaqanyihiin dad dan yar ah.

Saacadihii lasoo dhaafey dad ku dhow 40 qof oo la il daran Curka Shuban biyoodka ayaa waxa la gaarsiiyey goobo caafimaad oo  ku yaalla magaalada Marka, gaar ahaan Isbitaal si iskaa wax u qabsa ah wax loogu qabto dadka sida deg deg ah uu usoo rito Cudurka Shubanka.

Sida ay noo xaqiijiyeen qar ka mid ah howlwadeenada Caafimaad ee goobtan sida iskaa wax u qabsada ah uga shaqeeya ku dhawaad 7 qof ayaa ku geeriyoodey Isbitaalka, kuwaas oo la il darnaa Shubanka, waxaana weli goobaha Caafimaadka la jiifa dad kala duwan.

Inta badan dadka la il daran Cudurka Shuban biyoodka ayaa naloo sheegey in ay kasoo qaxeen tuulooyin fara badan oo ku yiilley deeganada duleedka ka ah magaalada Marka, kuwaas oo nolol ciriir ah ku sugan.

Sidoo kale deegaanada Ceel axmed iyo Muungii oo dhinaca koonfur ee magaalada Marka ku yaalla ayaa laga soo sheegayaa in fara ba’an uu ku haayo Cudurkan, mana lahan deegaanadaas goobo caafimaad oo lagula tacaallo dadka cudurka uu soo rito.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE