Dhageyso Warbixin Xasaasi Ah Xiisadda U Dhaxeysa Dalalka Khaliijka Oo Halkii Ugu Xumeyd Gaartey

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka uu horkacayo Sacuudiga iyo dalka Qadar ayaa weli taagan, waxayna u muuqda mid kasii xoogeysansa halka markii hore ay ku bilaabatey.

Imaaraadka Carabta ayaa ku amray bangiyada dalkaas inaysan la macaamilin Qadar taasoo muujineysa in xal mudada dhow ah oo laga gaaro arrintan uusan muuqan. Dowladahan Imaaraadka iyo Sacuudigu ay ugu weyn yihiin ayaa ku eedeeyay Qadar inay taageerto kooxaha Mayalka Adag.

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa qortay warbixin dheer oo ay ku eegeyso xiriirka Qadar ay la leedahay Iran iyo ururada Islamiga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE