Dhageyso Xiisad U Dhaxeysa Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Taagan Deegaanka Jeexdin

Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la joojiyo xiisad Colaada oo dib uga soo cusboonaatay degaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug.

Waxgaradka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado xiisada u dhaxeysa Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ee hadda ka taagan Gobolka Mudug.

Cumar Maxamuud Nuur oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa waxaa ugu baaqay Madaxda maamulada  Puntland iyo Galmudug  in ay wax ka qabtaan colaada ka taagan degaanka Jeexdin.

 Waxaa uu ugu baaqay Maleeshiyaadka  is horfadhiya  in ay dagaalka iyo xiisadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug , waxa ay ka taagneyd degaanka Jeexdin.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE