Dowladda Talyaaniga Oo Maraakiib Iyo Diyaarado Dagaal Usoo Dirtey Xeebaha Soomaaliya (Sawiro)

Dowladda Talyaaniga ayaa markab dagaal iyo Ciidamo hor leh waxay usoo dirtey Xeebaha Biyaha Soomaaliya, ka dib markii laga shakiyey kororka Burcad badeeda Soomaalida.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa badda ee dalka Talyaaniga islamarkaana wata Maraakiib iyo diyaarado oo kuwa Helocobtarka ah ayaa soo gaarey xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Maraakiibtan iyo diyaaradah dagaal ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa loogu talagalay inay ka hor tagaan falalka burcad badeed ee afduubka kula dhaqaaqa maraakiibta isaga kala goosheysa Biyaha Soomaaliya.

Bilooyinkii lasoo dhaafey ayaa waxa dib usoo laba kacleeyey afduubkii maraakiibta ee ay sameyn jireen Burcad badeed Soomaali ah, hase ahaatee Biyaha Soomaaliya ayaa waxa horey ugu sugnaa maraakiib dagaal oo laga leeyhay dalalka reer galbeedka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE