Dhageyso Shir U Dhaxeeya Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Furmay Magaalada Gaalkacyo

Wasiirro ka kala socda Maamulada Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa Xalay Shir Xasaasi ah ku yeeshay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirada ku Kulmay Dhanka Maamulka Galmudug ayaa Kulankooda waxaa uu hor-dhac u ahaa Shir looga hadlayo xaaladda Gobolka Mudug oo Maanta Magaalada Gaalkacyo uga Furmaya Labada Maamul Ee Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa Shacabka Gobolka Mudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Ammaanka Gobolka islamarkaana ay ka Fogaadaan wax walba oo isku dhac keeni kara.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo sheegay in ay Geed dheer iyo mid gaaban ay u fuuli doonaan Raadinta Nabadda Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE