Gudoomiyaha Nambar 50 Iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Oo Soo Gaaray Deegaanka Buufow-Bacaad (Warbixin)

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa soo gaarey deegaanka Buufow-bacaad oo k tirsan deegaanada hoos yimaada magaalada Marka.

Sida ay noo sheegeen Illo wareedyo kala duwan Gudoomiyaha iyo Saraakiisha wehlisa ayaa gabal dhicii maanta soo gaaraey deegaanka Buufow, iyagoo caawa ku hoyanaya deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa waxa galbinayey Kollonyo ka tiran Ciidamada AMISOM oo kasoo qaadeey Degmada Nambar 50, waxaana deegaanka iyo deegaano kale ay soo gaarsiin doonaan Raashiin gar gaar oo ka yimid dowladda fedaraalka Soomaaliya oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

Raashiinkan gar gaaray ayaa dhawaan degmada Nambar 50, waxa soo gaarsiiyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka, oo markii dambe dib ugu laabtey magaalada Muqdisho, hase ahaatee bixinta raashiinkaas ayaa waxa loo xil saarey Gudoomiye Cabdulaahi Waafow oo qaadaya wixii eed ah oo raashiinkaas ka yimaada.

Dad kala duwan oo barakacayaal ah ayaa kud ahqan deegaanada Buufow-bacaad, Ceeljaale iyo qeybo ka mid ah magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE