Faafaahinno Laga Helaayo Weerar Ismiidaamin Ah Oo Caawa Ka Dhacey Hotel Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Waxaa Caawa Baabuur qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray Posh Treats oo ah meel lagu caaweeyo oo ku taal Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Banaadir, waxaana hotelkan iska leh gabar Soomaaliyeed oo qurbaha ka timid.

Baabuur qarax lagu soo xiray ayaa la dhigay iridda hore ee Hotelka oo ah meel ay inta badan dhallinyarada Muqdisho ku caweeyaan, waxaana lasoo sheegayaa inay halkaas uu ka dhashey khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku sugan halka la weeraray ayaa waxay soo sheegeen in ay dhimasho Jirto, waxayna dhimashadaan ka kala dhacday Hotel Posh iyo Pizza House oo isna kasoo horjeedo Posh hotel.

Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay dhammaan xaafadaha ku hareereysan meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana hadda la daabulayaa dhaawacyadii halkaas ka dhashay.

Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa si ramsi ah u xaqiijisay in lasoo afjaray howlgalkii, welina wasaaradda Faahfaahin kama bixin sida ay u dhaceyn iyo inta uu khasaaraha la egyahay.

Ma jiraan dabley hubeysan oo gudaha u gashey hotelka, iyadoo markii hore la maqley dhawaqa rasaas hase ahaate rasaastaas ayaa waxa ridayaye ilaalada goobaha la wareeray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE