Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Oo Booqdey Bukaanno Ku Jira Isbitaalka Daryeel Ee Ku Yaalla Magaalada Marka (Sawiro)

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Waafow oo booqasho ku jooga Marka iyo nawaaxigeeda ayaa maanta booqdey bukaano kala duwan oo ku jira Isbitaalka Daryeel oo ka mid ah xarumaha Caafimaad ee ku yaalla magalada.

Mudane Waafow oo ay wehliyaan Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo Gudoomiyaha Ceelwareegow iyo Nabadoono ayaa kormeerey qolalka jiifka oo ay ku jiraan bukaano qaba cuduro ay ka mid yihiin Shuban biyood iyo kuwo kale.

Gudoomiyaha ayaa mid mid u wareystey dhamaan bukaanada, waxaana qof walba uu la shekeysanaayey dadka Ehelada ah ee la socda, wuxuu alla uga baryey in uu caafimaad siiyo islamarkaana uu ka dul qaado xanuunada ay la jiifaan.

Kulamo uu la qaatey Howlwadeenada Caafimaadka ee xarunta ayuu ugu horeyn uga mahadceliyey howsha adag ee ay qabteen oo aanay ku haaysan wax dhaqaale hase ahaate u gaargaaridda dadkooda ay wax walba ka hormariyeen, wuxuu ku booriyey inay sii wadaan dadaalada ay hayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE