Gudoomiye Cabdulaahi Waafow Oo Fariimo U Direy Jaaliyadaha Shabeelada Hoose Ee Aduunka Ku Kala Sugan (Video)

Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmwd Waafow oo maanta booqdey Xarun Caafimaad oo si iskaa wax u qabsa ah uga shaqeyso qeybo ka mid ah magaalada Marka ayaa fariimo kala duwan u direy Jaaliyadaha Gobolka Shabeelada hoose oo ku dhaqan wadamada Caalamka.

Marka hore Gudoomiyaha ayaa amaanay dhalinyaro si iskaa wax u qabsa ah u howlgelisey Isbitaalka oo hadda u muuqda mid dabooley baahida xaafadaha qaar ee magaalada islamarkaana looga reystey Isbitaalkii weynaa ee ku yiilay magaalada oo ay fariisin ka dhigteen Mooryaanta ISWISS KALMO.

Wuxuu ugu baaqey Gudoomiye Waafow Jaaliyadaha kasoo jeeda Shabeelada hoose in ay gaargaar u fidiyaan dadkooda oo ku dhibaateysan magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE