Maxaad Ka Taaqaa Hotelka Caawa La Weeraray Ee Posh Treats, Muxuuse Shaqa Ah Uu Qabtaa, Gabadha Iska Leh Hotelka Ayaa Sharaxaysa (Video)

Waxaa Caawa Baabuur qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray Posh Treats oo ah meel lagu caaweeyo oo ku taal Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Banaadir.

Posh Treats hotel wuxuu ku yaalaa meel ku dhow Isgoyska Banaadir, kana soo horjeeda maqaayad kale oo lagu magacaabo Pizza House, labada maqaayad ayaa ah kuwo caan ah.

Posh Hotel waa hotel la seexdo, lagana cunteeyo, waxaana aad ugu badan dhalinta reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa dalalka dibadaha ka soo laabtay. Hotelku wuxuu leeyahay goob la isugu masaajeeyo/duug duugo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE