Qoysas Barakacayaal Ah Oo Ku Dhaqan Duleedka Magaalada Marka Oo La Gaariisyey Raashiin Gargaar Ah (Sawiro)

Raashiin gargaar ah oo Dowladda Fedaraalka ay ugu talagashay dadka barakacayaasha ah ee ku jira xaaaladda nolol xumo ayaa waxa maalmihii lasoo dhaafey loo qeybinayey dadkii loogu talagalay.

Maalmihii shalay iyo daraad ayaa qoysas badan oo barakacayaal ah la gaariiyey Raashiin ka kooban Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid ayaa loo qeybiyey qoysas kor dhaafaya ilaa shan boqol oo qoysas ah, waxaana shacabka raashiinka loo gaarsiiyey qorshe maamulka uu dejiyey.

Maanta ayaa qoysas kale oo barakacayaal ah oo ku dhaqan deegaanka Buufow bacaad loo qeybiyey Raashiin la mid ah kii laga bixiyey Degmada Nambar 50, gargaarka maanta la bixiyey ayaa waxa ka faa’ideystey in ka badan boqlol qoys oo kasoo  barakacay deegaanada duleedka ka xiga Magaalada Marka.

Maalinta berata aha ayaa lagu wadaa in magaalada Marka iyo deegaanka Ceeljaalle laga bixiyo raashiinka ay soo dhiibtey dowladda fedaraalka ee Soomaaliya, waxaana deegaanadan ku dhaqan dad kala duwan oo la liita xaaladda abaareed ee jirta Gobolka.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee abaarlanaamka fedaraalka oo maalmo ka hor soo gaarey degmada Nambar 50, ayaa raashiinkii gaarg ee ay usoo dhiibtey dowladda fedaraalka ku wareejiyey Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo ay u wakiisheen in dhamaan deeganada loogu talagalay uu gaarsiiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE