Wasaaradda Amniga Oo Xildhibaanada Iyo Wasiirada Dowladda Ku Amartey Inay Soo Diiwaan Geliyaan Ilaaladooda Gaarka Ah

Wareegto ka soo baxday xafiika wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka ayaa lagu amray in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay masuuliyiinta dowladda federaalka ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah.

Wasiirka amniga dowladda federaalka wuxuu ku sheegay wareegtada in tani ay qeyb ka tahay go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, go’aankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.

“Waxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”.

Si loo dhaqangeliyo go’aankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D).

ugu dambayntii, Tan iyo markii la bilaabay qorshaha xasilinta caasimadda Muqdisho waxaa aad hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa ee ka dhici jiray muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE