Dhageyso Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadley Qaraxii Ka Dhacey Maqaayadda Pizza House

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii Maqaayadda Pizza House, halkaasoo lagu dilay dad u badnaa rayid oo ay ku jireen gabdho yar yar oo walaalo ahaa.

Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri “Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE