Howlwadeenada Caafimaadka Daryeel Hosbitaal Iyo Odayaasha Dhaqan Ee Marka Ayaa Baaqa Gaar-gaar Ah U Direy Jaaliyadaha Shabeelada Hoose (Video)

Ka dib bukaano xad dhaaf ah oo la jiifiyey Isbitaalka Daryeel ee magaalada Marka ayaa waxa baaq kala duwan uu kasoo baxey howlwadeenada Caafimaadka ee Daryeel Hosbitaal iyo duqeyda dhaqan ee magaalada Marka.

Isbitaalka oo ay jiifaan 28 bukaan oo intooda badan qaba cudurka Shuban biyoodka, ayaa waxa ka jirta xaalda daawa la’aan ah, iyadoo xilligan ay gabaabisi tahay Kartoomo Falleebooyin ah oo ay ku deeqeen dad muxsiniin ah.

Dr Xasan Abuukar Google (Shig-shigow) ayaa marka hore ka faaloodey Cudurka shuban biyoodka oo fara ba’an ku haaya dadka magaalada iyo nawaaxigeeda ku dhaqan, waxaana tallooyin uu usoo jeediyey bulashada oo ku aadan sida looga hortagi karo iyo daweyntiisa fudud.

Sidoo kale Dr Xuseen C.qaadir Macaalin ayaa dhankiisa soo ban dhigey kiiska shuban ee la keeney Isbitaalka tan iyo markii la furey, waxaana diiwaankiisa ku jira in ka badanm 450 Kiis oo qaarkooda ay ku geeriyoodeen isbitaalka gudahiisa.

Duqeyda dhanka ayaa dhankooda ugu baaqey Jaaliyadaha dibadaha ku nool iyo cid kasta oo wax haaysta in ay kasoo jawaabaan baaqooda ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa bulshada masaakiinta ah ee la il daran cudurka shuban biyoddka.

Marwo Muna Maxamed Zubeyr oo ka mid ah dadka dhexda u xirtey fulinta howlaha deg deg ah ee ay u baahanyihiin bulshada deegaanka ayaa dhankeeda ku baaqdey in loo gargaaro dadka masaakiinta ah ee aan woodin in ay wax qabsadsadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE