Sarkaal Ka Tirsanaa Hey’adda Cunada Aduunka Ee Qaramada Midoobe Oo LAGU Amrey In Dalka Uu Isaga Baxo

War qoraa ah oo kasoo baxey Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu amarey Qaramada Midoobay iney muddo 3 cisho ah dalka kaga saarto madaxa hey’adda cunadda iyo beeraha (FAO) qeybta Soomaaliya.

Qoraalka Dowlada Soomaaliya laguma faafaahin eedaha loosoo jeediyey hase ahaatee waxa lagi soo koobay in Richard Trenchard inuu si aan la aqbali karin oo aan anshax lahayn uu kaga shaqeeyo Soomaaliya.

Eedeymaha kale ee loo heysto Madaxa hey’adda Cuanada iyo beeraha ee FAO Richard Trenchard ayàa ah inuu ka faa’ideysto deegaanka uu ku nool yahay,taasina ay tahay arrin aan la aqbali karin sida qoraalka lagu sheegey.

Lama ogga sida xafiiska Qaramada Midoobay ee arimaha gargaarka Soomaaliya uu ka yeeli doono amarkan ka soo baxay dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE