Ciidamada Xasilinta Amaanka Caasimadda Oo Soo Celiyey Rajadii Shacabka Iyo Isbedel La Taaban Karo Oo Laga Gaarey Howlgallada (Sawiro)

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ka socdo howlgallo lagula dagaalamayo hubka sharci darada ah iyo kuwa lugta leh amni darada Caasimadda.

Ciidamada xasilinta amaanka Caasimadda ayaa ku guuleystey ina magaalada Muqdisho ay ka saaraan hubkii faraha badna ee lagu dhex wadan jirey Wadooyinka qaar iyo gaadiidkii dhex yaaci jirey Shacabka islamarkaana qal qal ku abuuri jirey shacabka.

Maalmahan oo bisha Ramadaan ay gaba gabo tahay ayna soo dhowdahay Maalmaha Ciidda ayaa waxa si ay kalsooni ku jirto u dukaameysanaya Shacabka oo suuqyada iyo wadooyinka ku maraya iyadoo aanay jirin askari ama gaari Ciidan oo looga cabsi qabo in amaankooda uu waxyeeleeyo.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa ku guuleystey in magaalada Muqdisho ay ka yareeyaan dilalkii joogtada ahaa iyo weeraradii qaraxyada ee looga bartey Magaalada, hase ahaatee weli waxa jira kooxo liddi ku ah xasiloonida dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE