Dhalinyaro Ka Socota Jaaliyaada Sacuudiga Oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaanada Beesha Biimaal Ee K/galbeed (Sawiro)

Dhalanyaro ka socota Jaaliyaada Boqrtooyada Sacuudiga oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo wadatashaiya ah oo ay la yeelanayaan qaar ka mid ah Bulshada Beesha Biimaal.

Dhalinyarada Jaaliyadda oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Boqortooyada Sacuudi Arabiya Eng Cabdulaahi Xasan Macallin Buuni ayaa kulamada ay la qaadayaan Bulshada kala tashanaya arimo ka mid yihiin sidii loogu gurman lahaa Shacabka Beesha ee ku dhibaateysan Gobolka Shabeelada hoos, in laga midoobo la dagaalanka Cadowga Beesha ee wajiyada badan leh iyo ka tashiga masiirka siyaasadda iyo dhaanka iyo Beesha Biimaal.

Kulankii ugu dambeeyey ayey la qaateen Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed ee Beesha Biimaal, waxaana ay iska xog wareysteen xaaladda ay ku shaqeeyaan xildhibaanada iyo arimo kale.

Xildhibanaada iyo dhalinyarada ayaa si gaar ah uga wada hadley ilaa seddax qodob oo ay ka mid yihiin 1-wax u qabashada Barakacayaasha Gobolka Shabeelada hoose, 2-in si wada jir ah loogu soo dhicin lahaa xuquuqda Beesha Biimaal ee K/galbeed iyo qodobka 3-aad sidii wada shaqeyn ay u dhex mari laheyd Xildhibaanada Beesha Biimaal ee Maamulka K/galbeed iyo Jaaliyadaha Beesha ee qurbaha ku nool.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE