Duqa Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga Oo Baabur Ambulance Ah Ugu Deeqey Shacabka Gobolka Sh/hose (Sawiro)

Markacadey.com ayaa ogaatey Gaari Ambulas ah oo uu soo dhiibey Duqa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga in loogu deeqey Maamulka Beesha Biimaal ee Gobolka Shabeelada hoose.

Hal gaari oo noocyada Casriga ee Ambulasta ee lagu qaado dhaawacyada iyo Bukaanada kale ayaa maalinimadii khamiista ee aan soo dhaafney soo gaarey degmada Nambar 50, iyadoo isla shaley gaarigaas la geeyey magaalada Marka.

Duqa Magaalada Roma ninka lagu magacaabo TASEIO ayaa gaarigan soo marsiiyey Jaaliyadaha Beesha Biimaal ee qurbaha ku nool si gargaar loogu fidiyo Shacabka ku dhibaateysan Shabeelada hoose iyo dhaawacyada mararka qaar laga yaabo inay u dhintaan dhiig bax maadaama aanu jirin gaadiid deegaanka ka shaqeeya oo loogu talagalay dhaawacyada.

Waxa jira warar sheegaya in Gaadiidkan Ambulsta ah oo gaaraya ilaa seddax xabo loogu talagay Shabeelada hoose hase ahaate, ma jiraan xaqiiqooyin cadeenaya in Gaadiidkan ay tirooyinkaasi gaarayaan.

Xubno matalaya Jaaliyadaha oo weli gacanta ku haaya Gaariga Ambulasta ah ayaan la ogeyn xilliga ay ku wareejin doonaan Maamulka deegaanka iyo hadii ay iyaga sii maamuli doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE