Howlwadeenada Daryeel Hosbitaal Ee Magaalada Marka Oo Deeq Isugu Jirta Daawo Iyo Agab Kale Ka Gudoomay Maamulka Nambar 50 (Video)

Maamulka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose dhankiisa ka jawaabay baahidda Daawo ee ka jirta Isbitaalka Daryeen ee ku yaalla magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo maanta booqdey Isbitaalka ka dib socdaal aan la shaacin oo ku yimid Marka ayaa Dhpwowr iyo toban Kartoon oo ay ku jiraan Faleebooyin iyo Daawooyin kale, 25 Gasac Caano Boore ah, iyo agab kale  ku wareejiyey Maamulka Isbitaalka.

Mudane Waafow ayaa markii Daawooyinka iyo agab kale ee loogu talagalay bukaanada uu ku wareejinaayey Maamulka Isbitaalka ayaa waxa garab joogey Gudoomiye Maxamed Cusmaan Yariisow iyo Odayaasha dhaqan ee magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE