Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Qiira Badan U Jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda (Video)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Boqolaal dad ah kula hadlayay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa shaaca ka qaaday in dadaal dheer ay ku bixinayaan sidii ay usoo celin lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ay haatan tahay dhanka amaanka oo ay kooxda Shabaab weeraro dad lagu laayo geysanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan sugidda amaanka hadii ay gudaha iyo dibadda joogaanba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE