Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabaab Oo Gudaha U Galey Banki Ku Yaalla Magaalada Ceelwaaq

Tiro maleeshiyaad ah oo ka titsan Alshabaab ayaa weerar ku qaadey Bank mashquul badan oo ku yaalla magaalada Ceelwaaq ee Kenya, kaas oo lagu magacaabo Equity Bank.

Dableyda ayaa rasaas xoogan ka bilaabey albaabka hore ee Bankiga, waxaana u suura gashey in ay gudaha usii galaan oo ay la wareegeen guud ahaan xarunta Bankiga oo markii ay galaanee aad u mashquul badnaa.

Warbaahinya dalka Kenya ayaa baahisey in kooxo hubeysan ay galeen Equity Bank, waxaana Saxaafadda Kenya sidoo kale ay sheegeysaa in gudaha Bankiga laga maqlaayo rasaas xoogan oo loo badinayo in loo adeegsanayo dadkii gudaha ku jirey oo isugu jira qaar loo shaqeenayey iyo kuwo shaqeenaayey.

Ilaa hada  lama sheegin khasaare ka dhashey xarunta la weerarey maadaama weli la maqlayo rasaasta, waxaana xarunta isku wareejiyey Ciidamo Boliis ah oo doonaya inay soo badbaadiyaan dadka lagu dhex haaysto gudaha Bankiga.

Dowladda Kenya ayaa saacidihii lasoo dhaaftey baahisey warar sheegaya in Maleeshiyaad badan oo Alshabaab ah gudaha ay usoo galeen dalkooda, iyadoo ka digtey in ay dhacaan weeraro ay geystaan Maleeshiyaadka gudaha soo galey.0

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE