Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Oo Laga Saaray Liiska Waxa Loogu Yeero Argagaxisada

War qoraal ah oo kasoo baxey Waaxda Arimaha dibadda ee dalka Mareekanka ayaa lagu shaaciyey in liiska argagaxisada ah ee Caalamka laga saarey Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo magaciisa xarakiga uu yahay (Abuu Mansuur)

Qoraalka kasoo baxey Waaxda Arimaha dibadda ee Mareekanka ayaa lagu sheegey in dowladda Mareekanka ay ka fiirsaneyso sababihii kalifey in Wadaadkan lagu daro Liiska wax loogu yeero argagaxisada ee si aadka ah loo doon doonayey.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo la sheego in uu mar soo noqdey ku xigeenkii hogaamiyihii hore ee Kooxda Axmed Godane ayaa dhanka kale ahaa inkii ugu horeeyey ee Afahayeen ka noqda Alshabaab, waxaana sanadihii dambe uu ku dhuumaaleysanayey dhul howd ah oo ku yaalla deegaanada uu kasoo jeeda ee Baay iyo Bakool.

Waxa la sheegaa in ninkan oo taageero badan ku dhex leh Milateriga Alshabaab uu aad uga caroodey dilka loo geystey Saaxiibo dhowr ah oo uu ku lahaa Kooxda dhexdeeda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Afgaan iyo ninkii ku magaca ahaa ee Abuu mansuur al-amriiki.

Lama oga tallaabadan kasoo yeertey dowladda Mareekanka waxa ay ka bedeli doonto mowqifkii hore uu u lahaa Abuu Mansuur oo la aamisanyahay in Ciidan badan oo gooni u goosad ah uu ku haaysto deegaanada Baay iyo Bakool.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE