Odayaal Iyo Waxgarad U Dhashey Beesha Biimaal Oo Shir Ku Yeeshey Magaalada Muqdisho Ayaa War Kasoo Saarey Xaaladda Gobolka Shabeelada Hoose (Video)

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Biimaal oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa dhaliilo iyo baaqyo u jeediyey Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya iyo Maamulka K/galbeed.

Marka hore Odayaasha ayaa dhaliiley sababta kaliftey in wax laga qaban waayo dhibaatada baahdey ee ka jirta qeybo ka mid ah Shabeelada hoose, gurmad la’aanta maadaama abaaro iyo colaado ay ku habsadeen Shacabka.

Gabagabadii Shirka ayaa waxa laga soo saarey baaq ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid ayihiin cambaareynta Raashiin lagu dhacey Muqdisho, Gaabiska dowladda Fedaraalka ee arimaha Gobolka iyo waxqabad la’aanta Maamulka Shariif Xasan iyo qodobo kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE