Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Dowladda Fedaraalka Oo Lagu Dhaweeyey Magaalada Garowe (Sawiro)

Wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Cabdi Faarax Sicid Juxa ayaa soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe , halkaasi oo wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, Xildhibaano , Maamulka Gobolka nugaal isimo iyo boqolaal qof ay ku soo dhaweeyay duleedka magaaladda.

Soo dhoweynta kadib, Wasiir juxa oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxay boqolaal dadweyne kula hadleen bartamaha caasimadda Garoowe ee barxada waxaana ay si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilaysa Wasiir cabdi Faarax iyo waftigii uu hoggaaminayay oo saaka ka soo ambababaxay magaaladda Galkacayo, halkaasi oo ay goobjooga ka ahaayeen heshiis ay wada-gaareen Puntland iyo Galmudug, waxay kaloo kulamo la yeesheen maamulada Galmudug iyo Puntland ee Galkacayo iyo odoyaasha labada dhinac.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE