Dhageyso Isbedel Noocee Ah Ayaa Ka Dhalan Kara Mowqifka Afahayeenkii Alshabaab Ee Laga Saarey Liiska Argagaxisada Ah

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.

Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah. Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE