Dowladda Madaxweyne Farmaajo Waa Inay La Timaadaa Istaraatijiyad Lagula Dagaalami Karo Afarta Ciidan Ee kooxda Alshabaab W/Q Aqoonyahaan Hilaal Yare

Magaalada Muqdishoo ee Caasimadda Soomaaliya waxa ka socdo howlgal lagula dagaalamyo amni darada iyo weerarada ay fulinayaan Maleeshiyaadka Alshabaab ee kasoo horjeeda nabadda.

Hase ahaatee sida ka muuqata howlgallada iyo qorshaha Ciidan ee dowladda waxa la tilmaamayaa in ay wax badan ka dhimanyihiin islamaraakan qorsha uu ka muuqdo diyaar garow la’aan iyo hadaf fog oo aana jirin kaas oo lagu baacsanayo dhamaan Ciidamada ay howlgeliso Shabaab.

Aqoon Hilaal yare oo wax ka qora arimaha amniga islamarakaan si dhow ula socda xarakaadka Ciidan ee kooxda Shabaab ayaa Odorosey sida indha la’aanta ee loo wajahayo la dagaalanka nabad diidka iyo kuwa kasoo horjeeda hormarka dalka Soomaaliya.

Dowladda waa in qorshe ay shabaab kula dagaalanto la timaadaa kaliya dagaal military wax tari maayo wayo al shabaab ciidankooda waa afar nooc, sadex ka mid ah waxay ka howl galaan meelaha ay dowladdu maamusho oo ay dilal qorsheysan ka geystaan marka hore waa la in ogaadaa qaabka ay al shabaab u howl galaan.

Al shabaab ciidamadooda waxay u howl galaan 4 (afar)qayb oo kala ah:

1) Istidhlaac (Sir doon) kuwani waxay ka howl galaan meelaha ay dowladdu maamusho xitaa dowladda way ku dhex jiraan waana kuwa bixiya informationada(sirta) dowladda una fududeeya kuwa wax dila inay xogta helaan.

2)Amiyaad(Madax jabis) Kuwaanina waxay ka howl galaan meelaha ay dowladdu maamusho iyaga oo war bixinada ka helaaya qolada istidhlaaca(sir doonka) waxayna fuliyaan dilalka.

3)Mutajiraad(Kuwa qaraxyada sameeya) kuwaanina waxay ka howl galaan meelaha ay dowladdu maamusho waxay sameeyaan qaraxyada kala duwan hadii ay ahaan lahayd kuwa baabuurta qarxa ee dadka lagu laayo iyo kuwa miinada dhulka ku aaso intuba waxay ka howl galaan meelaha ay dowladdu ka taliso xogahana waxay ka helaan kuwa istidlaaca(Sir doon).

4)Jabhad(military) kuwani waa kuwa kaliya oo la dagaalankoodu uu fudud yahay si dhaqsana looga guulaysan karo waxayna joogaan meelaha ay shabaabku maamulaan waa kuwa kaliya ay dowladdu dagaalka u iclaan satay.

Marka dowladdu waa in ay awoodda saartaa sidii loola dagaalami lahaa afartan kooxood qaasatan il gaar inay u lahaato sadexda koox ee ka howl gala meelaha ay dowladdu maamusho waana kuwa dilalka ugu badan fuliya.

W/Q Aqoonyahan Hilaal yare

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE