Dowladda Qadar Oo Wax Aan La Aqbali Karin Ku Tilmaantey Qodobada Ay Soo Hordhigeen Xulafada Sacuudiga Iyo Imaaraadka

Dowladda Qadtar ayaa xaqiijisey 13 qodob oo ay daabcdey warbaahinta AP maalintii Jimacada in Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay ka dalbadeen ay soo gaartey wasaaradda arrimaha dibadda maalintii Khamiista.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa sheegtey in qodobada laga codsadey ay yihiin wax aan la aqbali karin ee keliya hoos u dhigaya madaxbanaanida dalka Qatar, sida uu sheegay agaasimaha xiriirka Wasaaradda arrimaha dibadda Sheikh Saif bin Ahmed Al Thani.

Dowladda Qadar waxay sheegtey in ay akhrisanayaso oo dersayso saddex iyo tobanka qodob kadibna ay ka bixineyso jawaab waafiya oo ku filan shuruudaha lasoo hordhigey.

Suuucidga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ayaa soo gudbiyey sababta keliya ee ay uga qaadi karaan cunno qabateynta dalka Qatar taas oo ah in ay 10 maalmood gudahood ku fuliyaan, dalalbka laguma sheegin talaabada ay qaadayaan haddii Qatar fulin weydo, waxaana kamid ah qodobada kuwo si toos ah uga hor imaanaya madaxbanaanida dalka Qatar sida dalalka ay saaxiibka la noqonayaan kuwa ay colka la noqonayaan, madaxbanaanida warbaahinteeda iyo dalalka ay iskaashiga Milteri la sameyn karaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE