Dowladda Sacuudiga Oo Sheegtey Inay Fashilisey Weerar Isqarxin Ah Oo Lala Damacsanaa Masjidka Barakeysan Ee Makka

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa loogu tala galay kahar taga argagaxisada ay fashiliyeen weerar kooxo argagaxiso ah qorsheeyeen in ay ka geestaan magaalada Barakeysan ee Makka.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka fashiliyeen Weerar kooxo argagaxiso ah doonayeen in ay ku qaadeen Masjidka barakeesan ee Makka.

Dowlada ayaa sheegtay in dhismo laga shakiyay ay hareereeyeen ciidamada amaanka halkaas ay ku sugnaayeen kooxo la tuhmayay, waxaana dhismahaasi la sheegay in uu ku jiray qof doonayya in uu is qarxiyo.

Qof ku sugnaa dhismaha ay ciidamada hareereeyeen ayaa la sheegay in markii dambe uu is qarxiyay, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 11-qof ay ku jiraan ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababar ee Sacuudiga.

Saraakiisha booliiska Sacuudiga ayaa sheegay in la xiray shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay in weerarkan la fashiliyay wax ka qorsheenayeen, waxaana xubnahaasi baaritaano kuwada laamaha amaanka dalkaasi.

Malaayiin qof oo Musilmiin ah oo ka kala tagay daafaha dunida ayaa xiligan ku sugan magaalada Barakeesan ee Makka, dadkan ayaana halkaasi u tagay in ay kusoo cumreestaan dhamaadka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE