Full Video Waxgaradka Beesha Biimaal Oo Shir Ku Yeeshey Magaalada Muqdisho Ayaa Uga Hadlay Arimo Dhowr Ah (Video)

Waxgaradka iyo Indheer garadka Beesha Biimaal ayaa shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho si weyn ugu eedeyey Maleeshiyada kooxda Al-shabaab oo ay ku tilmaameen iney yihiin Gaalo, Waxayna sheegeen Sidoo kale in Dhibaato wayn ay ka Haysato Dagaalada ka dhaca Gobolka Shabeelada Hoose, Guryihiina la gubay, Waxayna Dulmi cad ku tilmaameen Shirarka dib u Heshiisiinta ee lagu marain habaabiyo Beesha.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Maamulka Koonfur galbeed Macallin Bare ayaa adga u dhaliilay Maamulka uu ka tirsanyahay oo uu ku til;maamay Maamul fadhiid ah oo ah oo ka gaabiyey howlihii laga sugaayey.

Sidoo kale Wasiir Macallin Bare ayaa eedeymo kala dul dhacey hey’adaha samafalka ee sheegta uinay deeq gaarsiiyaan barakacayaasha iyo dadka dhiban waxa uu tilmaamay in maalin maalamaha ka mid ah lagula xisaabtamayo hagar daamada ay dadka ku haayaan.

Ugaas Faarax Cabdi Sjheekh oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee Beesha Biimaal ayaa Gobolka Shabeelada hoose ku sheegey mid ka madax banaan Maamulka Shariif Xasan, maadaama aan waxba laga qaban dhibaatada ka taagan Gobolka.

Waxay fariin udireen madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Kheyre iyo oo ay ku dacweeyeen Dhibaatada Haysata, Waxayna sheegeen inay Rajo wayn ka qabeen Dawlada dhexe ee Sooomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE