Maamulka K/galbeed Oo War Kasoo Saarey Liiska Argagaxisada Ee Laga Saarey Mukhtaar Boobow Abuu Mansuur

Maamulka Koonfur galbeed ayaa war kasoo saarey warka kasoo baxey Wasaaradda arimaha dibada ee dalka Mareekanka oo ku dhawaaqdey in liiska argagaxisada ah laga saarey Sheekh Mykhtaar Roobow Cali Abuu mansuur.

Abuu Mansuur oo madaxiisa horey loo dul dhigey Shan milyan oo doolarka Mareekanka ayaa hada mowqifkaas waxa bedelay Dowladda Mareekanka oo xayiraaddii ka qaadey Wadaadka Gadoodsan ee ku dhuumaaleysanaya dhul ku yaalla Gobolka Baay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegey in aanu waxba kala socon maamulka K/galbeed warka sheegaya in liiska argagaxisada ah laga saarey Abuu mansuur.

Ugaas Xasan ayaa sheegey in weli aanu maqlin hadal kasoo baxey Abuu Mansuur ee uu ku sheegey in uu ka tanaasuley hadafkii hore ee ku kalifye inuu dagaal kala hor yimaado Ciidamada dowladda iyo Saaxiibadooda Ciidaamada ajaanibta ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxey dowladda fedaraalka ee Soomaaliyta ee ku aadan xayiraadda laga qaadey Afahayeenkii hore ee Alshabaab Sheekjh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE