Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Magaalada Kambala Kula Kulmay Dhigiisa Dalka Uganda (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa kulan la yeeshay magaalada Kampala.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo fakhriga. Musaveni ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE