Daawo Sawiro: Jeneral Cabdullahi Waafow Oo Saraakiil Ka Socda Taliska Ciidamada Mareykanka Kula Kumlay No.50

Gudoomiyaha degmada No 50 Jeneral Cabdullahi Waafow ayaa kula kulmay gudaha xarunta ciidamdaa Amisom ee degmada No 50, saraakiil ka socota taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom.

General Waafow iyo saraakiisha ka socotay taliska ciidamada Mareykanka ayaa ka wadahadlay xaaladda gobolka Sh.Hoose iyo dagaalka ay ciidamada dowladda kula jiraan maleeshiyada Alshabaab.

Jeneral Waafow aya uga waramay saraakiisha uu la kulmay in maleeshiyada Al-shabaab ay dagaal xasuuq ah ku ahyaan dadka ku dhaqan gobolka Sh.Hoose, iyaga dhinacooda ay wadaan dagaal ay maleeshiyadaas uga badbaadinayaan dadka shacabka ah ee ay xasuuqayaan, Saarkiisha ka socotay taliska ciidamada Mareykanka ayaa dhinacooda sheegay in ujeedadooda safarkooda ay tahay sidii ay xog badan uga ogaan lahaayeen arimaha ka socda gobolka Sh.hoose iyo dagaalka ay ciidamada dowladda kula jiraan maleeshiyada Argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Mareykana uu hormuud ka yahay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, ayna ka taageerayaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda sidii maleeshiyadaas gobolka looga sifeyn lahaa, waxa ayna intaas ku dareen in wixii ay kala kulmeen safarkooda ay kula noqon doonaan taliska ay ka socdaan ee Africom.

Maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa dagaal barakicin iyo xasuuq ah ku heysa shacabka Sh.hoose iyagoo dhacay xoolo badan oo ay dadka degaanka leeyihiin, kuwo kale oo badana dilay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE