Gaalkacyo Iyo Degmooyin Kale Oo Maanta Laga Diiday Isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga

Waxaa suuqyada magaalada Gaalkacyo laga soo sheegayaa in maanta mar kale la diiday lacagta shillinka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay Gobolada dhexe ay ka taagneyd dhibaato ah isticmaalkeeda.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa wax lagu kala iibsanayaa lacagta dollarka Maraykanka, iyadoo aysan jirin meel shillinka Soomaaliga laga isticmaalayo.

Sidoo kale, degmooyinka Burtinle, Bacaadweyn, Jalam ayaa la sheegay in sarifleyaasha deegaanadan ay diideen qabashada Shilin Soomaaliga iyagoo kaliya isku bedelaayo Dollar iyo Birta Itoobiya.

Dadkii haystay lacagta shilin Soomaaliga isla markaasina u badnaa muruq maalka ayaa waxaa maanta soo foodsaartay xaalad adag kadib markii ay waayeen cid wax uga iibsata lacagahii ay suuqa ka shaqeysten.

“Dadka oo markii horeba abaarta saameysay ayaa hadana waxaaba maanta la diiday in shilin Soomaaliga wax looga iibsado, xaaladda meel halis ah bay mareysaa, dadkii masaakiinta ahaa iyaga oo lacag haysta ayeey hadana baahan yihiin” ayuu yiri Cali Xuseen oo ka tirsan dowladda hoose ee magaalada Galkacyo.

Gobolo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool waxaa laga diiday isticmaalka Shilin Soomaaliga waxaana suuqyada goboladan soo gashay lacagta Birta Itoobiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE