Wakiilo Ka Socda Jaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Sacuudiga Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Ururada Haweenka Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Wakiilo ka socda Jaaliyadda Sacuudiga ee Beesha Biimaal ayaa magaalada Muqdisho kulamo waxay la qaateen mas’uuliyn ka tirsan Ururada Haweenka Muqdisho.

Shirka oo mid wadatashi ahaa ayaa waxa looga wada halaayey Siidii loogu gurman lahaa Dadka barakacayaaaha ah ee ku soo barakacay Duleedka magaalada Muqdisho.

Wakiilada Jaaliyadda oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Sacuudiga Eng Cabdulaahi Xasan Macallin Buuni ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo wadataahi ah la lahaa waxgaradka beesha Biimaal ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE