Horjooge Alshabaab Ka Tirsan Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/hoose

Iska horimaad kooban oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka maamulka degmada Marka iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka Dooxa oo kaabiga Ku haaya Dhismaha Sarta burcad badeeda oo ku taalo bartamaha magaalada Marka.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka degmada Marka ay ku baxeen maleeshiyaad Alshabaab ah oo dhac ka wadey Dooxa Magaalada Marka isla markaasina ay kala eryeen maleeshiyaadkii halkaas shacabka ku baaranaayey.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka degmada Marka oo la hadlay shabakadda Markacadey.com ayaa sheegay in mooryaanta Alshabaab ay gaarsiiyeen jab xoog leh isagoo xusay inay dagaalka ku dileen horjooge caan ah oo lagu magacaabo Cabdilaahi Xaaji.

Horjooge Cabdilaahi Xaaji ayaa bartamihii sanadkii hore Ku dhaawacmay dagaal ka dhacey magaalada Marka gaar ahaan Kawaanka Buufow, waxaana maanta uu ku naf baxey Dooxda u dhow Sarta Burcadbadeedda isagoo dhac u geysanaayey shacab Suuqa magaalada Marka ka soo adeegtay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE