Madaxweynaha Koonfur galbeed Oo Lagu Wado Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Wasiirada Maamulka (Warbixin)

Warar aan ka soo xiganay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xaqiijinaya In Ay Socdaan dadaallo leysugu shaandheynayo Golaha Wasiirada maamulka K/galbeed oo lagu tilmaamo maamulka ugu tayada liito maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

Xogta aan heleyno ayaa xaqijineysa in Wasiiro cusub loo magacaabi doono Maamulka, waxaan wasiiradan la sheegay in tira ahaan ay ka yaraan doonaan Wasiiradii horey u shaqeynaayey.

Magaalada Baydhabo ayaa xilligan waxa ku sugan Siyaasiyiin badan oo qaarkood ka mid ah Wasiirada Koonfur galbed kuwaasoo dadaal ugu jira sidii ay boos uga heli lahaayeen golaha Xukuumadda Cusub ee loo dhisi doono maamulka K/Galbeed.

Maalinta Khamiista ayaa la sheegayaa inay tahay maalinta loo asteeyey magacaabidda Wasiirada Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE