Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federalka Oo Shir Dib U Heshiisiin U Furtay Beelaha Ku Dagaalamaayo Gobolka Sh/hoose (Warbixin)

Shir looga hadlaayo dagaalada ka jiro magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka socdaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimmadda dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisey Waaaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda fedaraalka ayaa leysugu soo hor fariisiyey dad kala matalaaya Beesha Biimaal iyo dagaal-oogeyaal reer Galgaduud ah oo u dhashay beesha Habargidir kuwaasoo sanadihii u dambeeyey dagaallo dhulbalaarsi ah ka waday deegaanada beesha Biimaal ka degto gobolka Sh/hoose.

Sida aan ku heleyno xogta, Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya waxay shirkan ugu talogashay xal u raadinta xaaladda magaalada Marka oo muddo ka badan shan sano ay ka socdaan dagaallo u dhexeeyo dadka deegaanka iyo mooryaanta gobolada dhexe ka timid ee beesha H/gidir oo marbo shaati cusub u soo geshaneyso dagaalada ay ka wadaan deegaanada beesha Biimaal ee gobolka Sh/hoose.

Shakhsiyaadka labada dhinac ee wadahadlaayo waxaa laga xusi kara:
Dhanka Beesha Biimaal
Waxaa beesha Biimaal uga qayb galaayo shirkan: Ugaas Axmedey Siidcali, Ibraahin Cali Xaaji, Xildhibaan Cabdalle Xuseen Cali, Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaciil, Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji iyo xubno kale oo aanan helin magacyadooda.

Dhanka Beesha gobolka Galgaduud ee H/gidir
Waxaa beesha H/gidir uga qayb galaayo shirka: dagaal-ooge Yuusuf Indhacade, dagaal-ooge Nuur Jiidaaw, Kaabo Mooryaan Cabdull Cilmi iyo Shakhsiyaad kale oo dhammaantooda ku lug leh dagaalada lagu barakicinaayo shacabka beesha Biimaal ee Shabeelaha hoose.

Sida ka muuqato magacyada shakhsiyaadka shirkan ka qayb galaayo, waa isla shakhsiyaadkii sanadihii la soo dhaafay ka qayb gali jiray Shirarkii dib u heshiisiinta ee fashilmay kuwaasoo looga hadli jirey xal u helidda colaadda Gobolka Shabeelada hoose.

Shirka wuxuu ka socdaa hotel ku dhow Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wuxuu socon doonaa muddo dhowr maalin iyadoo halkaasi lagu cunaayo miisaaniyad Wasaaradda Arimaha Gudaha ugu talo gashay Dib-u-heshiisiinta gobolka Sh/hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE