Wakiillo Ka Socda Jaaliyadda Dalka Sacuudiga Oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Odeyaal Dhaqameed Iyo Waxgarad Kale (Sawiro)

Wakiillo ka socda Jaaliyadda Sacuudi Arabiya ee Beesha Biimaal oo maalmaan booqsho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa kulamo wadataahi ah la qaatey Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaaaha dhaqanka ee Beesha Biimaal.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa waxa kasoo qeyb galay Nabadoonada Beesha Sida Nabadoon Kuulle, Nabadoon Maxamed Abuukar Timagaduud, Nabadoon Dáa’ud Hudle, Nabadoon Xasan Cali iyo Nabadoon Xaaji Ibraahim.

Dhinaca kale, Siyaasiyinta kulanka ka qayb gashay waxaa laga xusi karaa Wasiir Axmed Maxamed Cumar (Macallin Bare) oo ah wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb kaa ahaa kulamo looga arainsanaayey xaaladda Qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana shirarka wadataashiga hormuud ka ah Wakiillo ka socda Jaalliyadda Sacuudiga ee Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE