Hay’adda Human Rights Watch Oo Warbixin Faah-faahsan Ka Soo Saartay Xasuuqa Ba’an Ee Lagu Hayo Shacabka Beesha Biimaal Ee Sh.Hoose

Hay’adda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee lagu magacaabo Human Rights Watch ayaa maanta soo saartay warbixin faah-faahsan oo ay ugu hadleyso xasuuq laba geesood ah oo maleeshiyada Habargidir ee Swiss Kalmo iyo Maleeshiyada Al-shabaab ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ka soo jeeda beesha Biimaal ee ku dhaqan deegaano balaaran oo dhaca degmooyinka Marka iyo Afgooye.

Warbixintan oo cinwaankeeda ahaa; Somalia, Alshabaab oo tuulooyin gubay, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-shabaab ay afduubteen dad rayid ah, ay dhaceen xoolo isla markaana ay gubeen guryo taas oo keentay in 15000(shan iyo toban kun oo qof) ay guryahooda ka qaxaan.

Human Rights ayaa ku sheegtay warbixinta in ay la hadleen 25 qof oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo ka soo qaxay tuulooyinka ay Shabaab gubeen, waxayna sheegeen in xasuuq iyo barakicin ay Al-shabaab ka geysteen tuulooyinka ay degaan beesha Biimaal ee gobolka Sh.Hoose kuwaas oo dhaca degmooyinka Afgooye iyo Marka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhowaad 70 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween in intii u dhexeysay 21 May ilaa 23 May laga afduubtay degmada No 50, lagana dhacay dadkaas Lo’, Ari iyo Geel.

Human Rights ayaa intaa ku dartay in  sawiro dhinaca satalaaytka(Satellite) lagu qaaday in laga soo bilaabo 8 May ilaa July 12 ay ku ogaadeen in 18 ilaa 32 tuulo oo hoos yimaada degmada Marka ay gubeen Al-shabaab, laguna gubay guryo gaaraya 100. Guryaha la gubayna ay ka mid ahaan kuwo ku yaala Muuriyo iyo No.50.

Tuulooyinka la gubay ee warbixinta lagu sheegay ayaa kala ah, Nagaade Weyne, Buulo Muudey, Cambanaane, Garas weyne iyo Sagaaroole.

Laetitia Bader oo ka mid ah baarayaasha hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in kuwa geystay dembiyada dagaal, kana dambeeya tacadiyada ka dhacaya Sh.hoose ugu dambeyntii maxkamad la soo taagi doono.

Warbixinta ayaa mar kale iyadoo soo daliishaneysa warbixin ay sanadkii 2013-kii soo saartay hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey cunaqabateynta hubka ee Somalia iyo Ereteriya ayaasheegtay in maleeshiya beeleedka Habargidir  ay kufsi dil iyo gubis ka geysteen degmada No 50, oo ay warbixinta ay ku sheegtay in ay tahay saldhiga beesha Biimaal.

Halkan Ka akhri warbixinta oo dhameystiran website-ka Human rights watch

https://www.hrw.org/news/2017/07/26/somalia-al-shabab-forces-burn-villages

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE