Dhageyso Waxgarad Shirqool Cusub Ku Tilmaamay Shir U Dhexeeyo Odeyaal Muqdisho Joogo Oo Looga Hadlaayo Colaadda Ka Jirto Gobolka Sh/hoose

Waxgarad ka soo jeedo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dareen ka muujiyey dhowr arimoodoo o dhowaan ka soo cusboonaaday xaaladda gobolka Shabeelaha Hoose oo sanadihii la soo dhaafay shacabkiisa ay dhibane u ahaayeen maleeshiyo dharka dowladda loo soo geliyey oo ujeedooyin dhulbalaarsi xambaarsan.

Cumar Adari oo ka tirsan waxgaradka gobolka Sh/hoose ee qurbaha ku nool ayaa sheegay inay dareen colaadeed ka qabaan ciidamo lagu aruurinaayo garoonka Balli-doogle ee degmada Wanlaweyn kuwaasoo u badan hal beel oo sanadihii la soo dhaafay dagaal dhulbalaarsi ah ka waday gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, Cumar Adari waxaa uu ka hadlay shir ka socdo Hotel ku yaallo magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay inuu u dhexeeyo odeyaal ka soo jeedo beesha Biimaal iyo qabqableyaal ka yimid gobolka Galgaduud, wuxuuna shirkan ku tilmaamay mid aanay wax maslaxo ah ugu jirin shacabka magaalada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh/hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE