Waxgaradka Beesha Biimaal Oo Maanta Muqdisho Ku Yeeshay Shir Arimo Badan Looga Hadlay (Sawiro)

Shirkan arimo badan looga hadlayey oo maanta ka dhacay Magalaada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeedo Beesha Biimaal.

Wuxuu shirkan hor dhac u yahay Shir-weyne Wadatashi ah oo dhowaan markale ay yeelan doonaan waxgaradka Beesha Biimaal sida ay sheegeen ragga abaabulka shirka iska lahaa.

Waxaa shirkan ka so qayb galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleeda Koonfur galbeed Axmed Maxamed Cumar (Macallin Bare), Senator Ahmed Macallin Cumar Nadiir, gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumareey, Gud-ku-xigeenka Maamulka degmada Lambar50 Cabdow Abuukar Axmed, ku xigeenka Maaliyadda degmada Lambar50 Mudane Sagaarey, Odeyaasha dhaqanka beesha Biimaal, Wakiillo ka socda Jaaliyaadda Boqortooya Sacuudiga oo Wakiil ka ahaa dhammaan Jaaliyadaha Beesha ee dalka dibaddiisa ku nool iyo waxgarad kale.

Waxaa kalimado ka jeediyey Shirka madaxdii ka qayb gashay iyagoo si diirran u soo dhaweeyey gogosha uu ku baaqey Suldaan Ibraahin Cabdullaahi Caddow si loo mideeyo siyaasadda beesha Biimaal.

Shirka maanta iyo shirweynaha lagu balansan yahay ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa ajendayaal dhowr ah oo ay ugu horeyso nabadeynta deegaanada beesha degto oo ay ugu horeyso degmada Marka oo colaad wajiyo badan leh ay ka jirto.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE