Shir Horudhac U Ah Shirweyne Wadatashi Oo Beesha Biimaal Yeelaneyso Ayaa Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho (Sawiro)

Waxaa maalmahaan waxgaradka beesha Biimaal magaalada Muqdisho uga socday Shirar hurudhac u ah shirweyne Wadataahi oo dhowaan beeshan ay ku yeelan doonto Magaalada Muqdisho.

Shir maanta ay kasoo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahaanno iyo mas’uuliyiin Ka socdo Jaaliyadaha dalka dibadiisa ku maqan ayaa waxa lagu qabtey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa kulankii maanta goobjoog ku ahaa Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Dowladda Goboleedka Jubbaland Ibraahim Baajuuni, Wasiirka Diinta & Awqaafta Axmed Macallin Barre, Xildhibaan Axmed Nadiir, Nabadoon Awyare Abshirow oo ka mid ah Saxiixayaasha Beesha ee soo dhisey Baarlamaanka dowladihii kala duwaanaa ee dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE