Afahayeenka Ciidamada Deegaanka Col Maxamed Ciise Oo War Kasoo Saarey Xaaladda Magaalada Marka

Afahayeenka Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Shabeelada Hoose Col.Maxamed Ciise ayaa waxa uu war kasoo saarey xaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Col Maxamed Ciise ayaa marka hore sheegey in Ciidamada ammaanka ee mamaulka marka ay ku guuleysteen in ay is hortagaan dhibaato ay ka mid tahay boob iyo dhac ay damacsanaayeen Maleeshiyaad kasoo jeeda Gobolade dhexe oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Afahayeenka ayaa sheegey in Ciidamada ay sameeyaan howlgallo kala duwan oo ay lagu sugayo xaaladda xaafadaha ay maamulaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale waxa uu raja wanaagsan ka muujiyey howlgall guud oo ka dhici doona guud ahaan Gobolka oo lagu soo celinayo degmooyinka iyo deegaanada ay maamulaan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE