Dhageyso Aqoonyahaan Maxamuud Siid “Calooshooda U Shaqeystayaal Waaye, Cid Ay Matalaan Majirto Kuwa Madaxweynaha La Kulmay”

Aqoonyahaan Maxamuud Sheekh Axmed Siid oo ka mid aqoonyahaanada Beesha Biimaal ayaa si kulul uga hadlay Shir qarsoodi ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Sheekh ayaa marka hore Shir qudba sira ah ku tilmaamey Shirkii Madaxtooyada ka dhacay oo dhinacyo heshiis ku ah in laga macaasho dhiigga Shacabka ay la kulmeen Madaxda Dowlada fedaraalka.

Waxa uu ka horyimid shirqoolka cusub ee lagu beeninayo dhiigga Shuhadada Beesha Biimaal oo muddo ka badan shan sanadood u dagaalmayey sidii dhulka looga xoreyn lahaa mooryaanta Gobolada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE