Shir Lagu Bahdilaayo Beesha Biimaal Iyo Maqaamka Degmada Marka Oo Ka Dhacay Madaxtooyada Villa Somalia

Shirka oo ka dhacayey Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa looga hadlaayey arimo ku saabsan xaaladda Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaa Degmada Marka oo Shantii Sano ee lasoo dhaafey ay ka socdeen dagaallo Wajiyo badan oo ay hogaaminayeen Mooryaan gacan-saar la lahaa dowladdii Xasan Culusow ee waqtigeeda dhammaaday.

Shirka oo seddax geesood ahaa ayaa waxa kasoo qeyb galey shakhsiyaad kala matalaayey beesha Biimaal iyo mooryaanta Habargidr oo damac dhulbalaarsi ka leh deegaanada beesha Biimaal ee gooblka Shabeelaha Hoose. Waxaa goobjoog ku ahaa shirka xubno la sheegay inay matalayaan Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Federalka.

Beesha Biimaal waxaa ku matalaayey shirkan Ibraahim Cali Xaaji iyo tiro xildhibaano ah. Sidoo kale, waxaa markii ugu horeysay shirarka noocaan ah lagu arkay labo mas’uul oo ka tirsan Maamulka Degmada Lambar50 oo mowqif adag horey uga qaatay in gogol lala fadhiisto mooryaanta Habargidir ee dagaalka dhulbalaarsiga ka wado deegaanada beesha Biimaal.

Dhinaca kale Dagaal-oogayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Indhacade, Cabdul Cilmi iyo kuwo kale oo dhamaabtood gacmaha ku sita mindiyadii ay ku dooxeen Shacabka beesha Biimaal ee gobolka Shabeelada hoose ayaa shirkan ku matalaayey mooryaanta Habargidir ee dhulbalaarsiga ka damacsan deegaanada beesha Biimaal.

Xogta aan ka heleyno xubno ka qayb galayo shirkan ayaa sheegeyso in labada dhinac ay madaxda dowladda federalka ka codsadeen in loo fududeeyo Shir ay ku magacaabeen dib u heshiisiin oo ay dhex dhigaayaan beesha Biimaal iyo mooryaanta Habargidir ee beesha Biimaal kula murmeyso deegaankeeda si wax looga siiyo.

Inkastoo aan la wada ogeynin Xogta iyo Ajandayaasha Shirkan looga hadlay ayaa waxa jira warar si hoose loo helay oo sheegayo in labada dhinac ay madaxweynaha DF u sheegeen in Bisha Sagaalaad ee soo socoto Shir lagu qaban doono Degmada Afgooye. Sidoo kale, waxyaabaha madaxweynaha loo sheegay waxaa ka mid ah in Magalaada Marka laga soo saarayo dhammaan wixii ciidan ah oo labada Beel matalaya iyadoo magaaladana la geyn doono Ciidamo labada dhinac ka madax banaan.

Shirarkan oo wajigiisa ka duwan yahay shirarkii hore ayaa u muuqda mid lagu rajo beelinaayo Shaacabka degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Shabeelada hoose oo hada loosoo kaakiciyey dhagarqabayaal dhibaatooyin lama illaabaan ah bidey Reer Shabeelada hoose.

Arinta lagu bahdilaayo beesha Biimaal iyo maqaamka degmada Marka ayaa ah in wakiilada beesha Biimaal matalaayo ay aqbalaan in magaalada Marka laga saaro ciidamada beesha Biimaal taasoo u dhiganto in beesha Biimaal ku gorgortanto in degmada Dhuusamareeb laga saaro ciidamada habargidir. Gorgortankan ayaa ka yimid mooryaanta Habargidir ee shirka ay ku matalayeen dagaal-oogeyaasha kala ah Yuusuf Indhacadde iyo Cabdul Cilmi.

Shabakadda Markacadey.com Waxay idiin soo gudbin doontaa Xog kasta oo ku saabsan Shirarka noocaan ah oo ay qeybta ka yihiin dhagarqabe Calooshood u shaqeysteyaal magaca beesha Biimaal ku qaraabto iyo dhagar qabeyaasha Yuusuf Indhacade iyo  Cabdul Cilmi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE