Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo Abuu Mansuur Oo Ka Dhacey Gobolka Bakool

Wararka laga helaayo deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal culus.

Dagaalka oo u dhaxeeya Maleeshiyada Kooxda Shabaaab iyo Maleeshiyaad kale oo taabacsan Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuumansuur ayaa yimid ka gadaal markii deegaankaas ay weerareen Maleeshiyada Shabaab.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Dagaal dhowr saacadood qaatey ka dib ay dib u Gurasho sameeyeen dhalinyaradii taabacsanaa Abuumansuur.

Warbaahinta qaar ayaa ku wareysa in Shabaab halkaas ay ku qabsadeen gaadiid dagaal, hase ahaatee wararkan ayaan jirin cid si sax ah u xaqiijineysa.

Bilihii lasoo dhaafey ayaa horjoogayaasha Shabaab waxay culeys saarayeen Abuumansuur si uu dib ugu soo laabto kooxda , laakiin warkaas ayaa ilo Madaxbanaan ay xaqiijiyeen in Mukhtaar Roobow uu ka madax adeegey dib ugu laabashada Shabaab.

Dhinaca kale Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa war ay soo saareen ku sheegey in Ciidamo gurmad ah ay u dirayaan deegaanka lagu dagaalamayo si ay u difaacaan Wadaadka dhawaan laga saarey liiska Argagaxisada ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE