Dagaal Culus Oo Caawa Maqribkii Ka Dhacay Duleedka Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Dagaal culus oo dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada Kooxda Alshabb ayaa caawa maqribkii ka dhacey duleedka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Weerarka oo yimid ka gadaal markii Maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda fedaraalka ay ku leeyihiin Waqooyi Bari ee duleedka Nambar 50.

Waxa jira khasaare xoog badan oo ka dhashey dagaalka caawa maqribkii, iyadoo khasaaraha xoogiisa lasoo sheegayo in uu gaarey Maleeshiyada duur ku jirta ee Shabaab.

Saraakiisha dowlada fedaraalka ee maanta ku jirtey dagaalka ayaa sheegey in Alshabaab lagu qasbey dib u gurasho dagaal, taas oo ay sheegeen in goobta ay kala kulneen rag ku dhereeya iska caabinta.

Waxa caawa weli xiisad ay ka jirtaa goobihii lagu dagaalamay iyadoo Ciidamada Maamulka Nambar 50 ay difaac ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro kale oo hor leh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE