Dhageyso Faafaahinno Laga Helaayo Xaaldda Deegaanadii Ay Dagaalameen Alshabaab Iyo Mukhtaar Roobow,Wasiir Fiqi Oo Sheegey…..

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalkii shalay deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Abal, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

In ka badan 20 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalammay ayaa wararku sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhintey, iyadoo dhaawacana uu gaarayo in ka badan 20, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo Roobow u gurmaday ayaa la filayaa iyagana inay dagaalka ku biiraan,  Ku Simaha Madaxweynaha Koonfgur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa dagaalkan uga warramay Wariyaha VOA Haaruun Macruuf.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE