Shir Looga Hadlay Ciidamo Loo Tababaraayo Gobolka Sh/hoose Oo Shaley Ka Dhacay Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho(Warbixin)

Waxaa shalay shir uu ka dhacay Xarunta Xalane oo ay degan yihiin Diblomaasiyiinta reer Galbeedka iyo saraakiisha Ciidamada Ajaanibta ah ee dhanka farsamada ka taageero howlgalka AMISOM.

Shirkan waxaa uu ahaa mid 4 geesood ah oo u dhexeeyey shakhsiyaad matalaayo beesha Biimaal, Maamulka Gobolka Shabeelada hoose, shakhsiyaad metelaayo beesha H/gidir iyo ku-simaha Safiirka Mareeykanka ee dalka Soomaaliya.

Xog aan ka helnay Odayaal Shirka ka qeyb galay ayaa waxay sheegaysaa in Madasha qodobo kala duwan looga wada hadlay, waxaana inta badan dhinacyada ay xoogga saarayeen sidii ay u fulin lahaayeen Ajandayaasha ay ka leeyihiin Shabeelada hoose.

Bilowga shirka ayaa waxay dhinacyadii kala matalaayey beelaha Biimaal iyo Habargidir isla garteen inay sameystaan Suldaan ka dhexeeyo labada beel iyo Gudoomiyaha Dhaqan oo sidoo kale labada beel ka dhexeeyo. Suldaanka labada beelood ee Biimaal iyo Habargidir waxaa laga dhigay Ibraahin Cali Xaaji halka Gudoomiyaha Dhaqanka labada Beelood loo dhiibay dagaal-ooge Cabdul Cabdi Cilmi.

Dagaal-ooge Yuusuf indhacade oo ka mid ahaa dhinaca Habargidir matlaayey ayaa wakiilka Safiirka Mareykanka u gudbiyey in wax laga qabto laba kooxood oo u uu sheegay inay u adeegaan Alshabaab islamarkaana ay yihiin kuwa hurinaya colaadda Gobolka Shabeelada hoose. Sidoo kale Yuusuf Indhacde ayaa codsadey in Ciidamo wadajir ah loo tababaro Beelaha kala ah Biimaal, Haabrgidir iyo Digil kuwaasoo si wadajir ah uga howgali doono gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, Axmed Diiriye Cali oo isagana ka tirsanaa dhinaca mooryaanta Habargidir matalaayey ayaa Wakiilka Safiirka Mareykanka ka codsadey in wax laga qabto Warbaahin isugu jirta kuwo la iska maqlo iyo kuwo akhristo (Website-yo) oo inta badan ka hor yimaada Shirarka iyo natiijooyinka ka soo baxo, waxaaana farta uu ku godey in la joogo xilligii leyska hor leexin lahaa koox uu ku sheegey qaswadeyaal.

Suldaanka labada reerood Ibraahin Cali Xaaji oo isagana goobta ka hadlay ayaa soo jeediyey in laga Mira dhaliyo shaqada ay hayaan, waxaana uu ka digey in loo dhego nuglaado Odayaal kale oo shirar looga soo horjeedo iyaga qaban doono.

Gabagabadii shirka, inkasto aanan wada helin dhamaan wixii goobta laga sheegey ayaa waxaa leysku raacey in 120 Askari Tababar deg deg ah looga furo Xerada Laanta-buuro, iyadoo Ciidamada laga kala xuli doono beelaha Biimaal, Habargidir iyo Digil.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE