Akhriso Cabdifataax Jannagale oo loo Magacaabay Wakiilka Dowlada Puntland ee Finland

MAGACAABIDA WAKIILKA DOWLADA PUNTLAND  U FADHIYA DALKA FINLAND.

Madaxweynuhu.

Xeer madaxweyne Lr 88 july 27.2017 kuna saabsan magacaabid wakiilka dowlada Puntland ee Finland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Puntland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha iyo Waxqabadka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Puntland  u fadhiya Dalka Finland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas In Mudane, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac (Jannagale), laga bilaabo taariikhda warqada ku qoran uu ahaado Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE